Intro
Somali • Soomaali

Mawduuca 6 Carruur iyo qoys

Berigii hore dad badan oo noorwiiji ah ayaa u noolaa si qoysas waaweyn ah, gaar ahaan tuulooyinka. Maanta waxa jira noocyo badan oo qoysas kala duwan ah sida: qoys kooban, waalidiin keli ah oo carruur leh, lammaane aan carruur isu laheyn iyo kuwo keligood ah. Badankoodu waxey xidhiidh aan joogto aheyn la leeyihiin xubnahooda qoys ee ugu dhow, laakiin si aan caadi aheyn ma aha, in xubnaha qoysku ku kala nool yihiin meelo kala duwan oo dalka ah. Ciidaha waaweyn iyo muujinta maalmaha nolosha ee muhiimka ah ayuu qoyska balaadhani jecelyahey inuu kulmo. Qeyb muhiim ah oo ka mid ah nolosha qoyska waa dhaqaalaha iyo hoyga, waxa aad macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kuwan ka akhriyi kartaa boggagan.

©Lise Åserud/Scanpix©Lise Åserud/Scanpix

Boggan shabakada netka waa qeyb dheeraad u ah mawduuca 6aad ee buugga waxbarashada (emne 6 i læreboka). Halkan waxaad ka akhriyi kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mawduucyadan hoos ku qoran:

  • Amaah guri (boliglån)
  • Lahaansho guri (egen bolig)
  • Ceymiska alaabta guriga taal (innboforsikring)
  • Miisaaniyad (budsjett)
  • Ceymiska carruurta (barnetrygd)
  • Lacagta kaalmada (kontantstøtte)
  • Fasaxa uurka iyo lacagta dhalmada (svangerskapspermisjon og fødselspenger)
  • Guurka khasabka ah (tvangsekteskap)

Ansvarlig for disse sidene J.W. Cappelens Forlag AS. Læremidlet er utviklet med støtte fra Utdanningsdirektoratet. Tilbakemeldinger: intro@cappelen.no