Intro
Somali • Soomaali

Mawduuca 5 Shaqo, nolosha shaqada iyo suuqa shaqada

Norwey qeyb weyn oo dadka waaweyn ka mid ahi wey shaqeeyeen. Qiyaastii 70 % dumarka iyo 80 % raggu wey shaqeeyaan. Ku dhawaad kalabadh dumarka shaqeeya waxey ka shaqeeyaan shaqo gelin ah (deltid), halka ey 13 % keliya ragga shaqeeyaa ey ka shaqeeyaan shaqo gelin ah. Jiilka kowaad ee ajinebiga ah 55,6 % ayaa 2003 heystey shaqo mushahar ka soo galo.

Dadka aan shaqeynin, waa tusaale ahaan ardeyda, hooyooyinka guri joogta ah, kuwa lacagta ceymiska qaata iyo shaqodoonka.

Boqolkiiba 3,6 (3,6 %) ka mid ah dhammaan dadka waaweyni waa shaqodoon (abril 2005).

In la noqdo shaqodoon waxa looga jeedaa in aan la heysan shaqo laga helo mushahar, laakiin in shaqo la raadinayo, oo diyaar loo yahey si loo bilaabo shaqo isla markiiba. Boqolkiiba 9 (9 %) dadka ajinebiga ahi waa shaqodoon (2005).

©O. Væring Eftf. AS©O. Væring Eftf. AS

Boggan shabakada netka waa qeyb dheeraad u ah mawduuca 5aad ee buugga waxbarashada (emne 5 i læreboka). Halkan waxaad ka akhriyi kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mawduucyadan hoos ku qoran:

  • Xafiiska Shaqada (Aetat)
  • Ururada shaqaalaha (fagforeninger)
  • Taariikh nololeedka qofka (CV)
  • Codsi shaqo (Jobbsøknad)
  • Sharciga goobaha shaqada iyo sharciga fasaxa- oo ku qoran luqado badan
  • Shaqo ka habsaamid (fravær fra jobben)
  • La sameysto shirkad la leeyahey

Ansvarlig for disse sidene J.W. Cappelens Forlag AS. Læremidlet er utviklet med støtte fra Utdanningsdirektoratet. Tilbakemeldinger: intro@cappelen.no