Intro
Somali • Soomaali

Mawduuca 4 Dugsiga, waxbarashada iyo aqoon korodhsi

Habka waxbarasho ee noorwiijugu wuxuu daboolayaa laga bilaabo xarunta carruurta ilaa jaamacad iyo maxadadda sare. Waxbarashada aasaasiga ah waa 10 sanno waana ku khasab dhammaan dadka. Dadka badankoodu waxey dhigtaan dugsiga dawladda, boqolkiiba laba (2 %) ayaa carruurta dhigta dugsiyada gaarka ah (madax bannaan). Dugsiga sare ma aha khasab, laakiin 95 % dhalinyaradu waxey marka ey dugsiga dhexe dhameeyaan sii wataan waxbarashada dugsiga sare. Dugsiyada dawladda ee Norwey waa bilaash, waxey tani khuseysaa oo kale dugsiyada sare, maxadadda sare iyo jaamacadda.

©Mathias Tunger/All Over Press©Mathias Tunger/All Over Press

Boggan shabakada netka waa qeyb dheeraad u ah mawduuca 4aad ee buugga waxbarashada (emne 4 i læreboka). Halkan waxaad ka akhriyi kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mawduucyadan hoos ku qoran:

  • Dugsiga aasaasiga ah
  • Dugsiga aasaasiga ah ee dadka waaweyn
  • Jaamacadda iyo maxadada sare
  • Ogolaanshaha waxbarasho iyo aqoonta xirfadeed ee dibedda lagala yimi.
  • Amaahda dawladda ee waxbarasho (Statens lånekasse for utdanning)
  • Waxbarashada sare ee dadka waaweyn
  • Taariikhda dugsiga

Ansvarlig for disse sidene J.W. Cappelens Forlag AS. Læremidlet er utviklet med støtte fra Utdanningsdirektoratet. Tilbakemeldinger: intro@cappelen.no