Intro
Somali • Soomaali

Mawduuca 2 Dimuquraadiyad, samafal iyo waxa la qiimeeyo

Dimuquraadiyad

Norwey waa dal dimuquraadi ah. Dimuquraadiyad macnaheedu waxa weeye maamul dad. Dalka waxa xukuma siyaasiyiin ey dadku soo doorteen, waxaana go’aanka gaadha wadarta. Markaa shacabka ayaa leh awoodda.

Labadii sannaba hal mar ayaa doorasho la qabtaa Norwey. Doorashada baarlamaanku waxey dhacdaa afartii sanno hal mar. Markaas ayey shacabku doortaan qofkii u meteli lahaa baarlamaanka, kaas oo ah golaha shacabka. Waxa kale oo la qabtaa doorashooyinka dawladda hoose iyo maamulka gobollada (kommune- og fylkestingsvalg) afartii sanno hal mar.

Boggan shabakada netka waa qeyb dheeraad u ah mawduuca 2 ee buugga waxbarashada (emne 2 i læreboka). Halkan waxaad ka akhriyi kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mawduucyadan hoos ku qoran:

  • Taariikhda Norwey: dagaalkii labaad ee dunida
  • Baarlamaanka
  • Xisbiyada siyaasadeed
  • Dawladda
  • Sharciyada Noorwiijiga
  • Sinnaanta ragga iyo dumarka
  • Boqortooyada
  • Maalinta qaranka ee Norwey 

©O. Væring Eftf. AS©O. Væring Eftf. AS

Ansvarlig for disse sidene J.W. Cappelens Forlag AS. Læremidlet er utviklet med støtte fra Utdanningsdirektoratet. Tilbakemeldinger: intro@cappelen.no